Halkaan Ayaan Joogaa.

Sidee U Bixin kartaa Caawimaad?

Adeegyada caawimaada luuqada iyo gargaarka arrimaha xaaladaha degdega ah ee habboon ayaad ku helaysaa kharash la’aan. Wac 1 (859) 301-2000.

MyChart

Bartaada Gaarka ah ee Bukaanka

Awooda aad ku maareyneyso daryeelkaaga gacmahaaga ayay ku jirtaa.

Wax ka baro Adeegyadeena

St. Elizabeth waxay bixisaa daryeel gaar ah oo loogu talagalay baahiyaha caafimaadkaaga iyo badqabkaaga guud. Iskuday inaad adeegsato dookhyadaada St. Elizabeth Physicians iyo St. Elizabeth Healthcare si aad u hesho daryeelka ugu habboon, ee degdega ah. Halkaan laga helo. Looguna talagalay adiga.

St. Elizabeth Physicians Logo

Caafimaadka Oonleenka (Virtual Health)

Caafimaadka Oonleenka wuxuu kuu oggolaanayaa inaad si oonleen ah ula xariirto dhakhaatiirta caafimaadka. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa interneet iyo kumbuyuutar, taableet ama taleefoon casri ah. Dookhyada Caafimaadka Oonleenka waxaa loo heli karaa bukaanada ku nool Kentucky, Ohio iyo Indiana.

St. Elizabeth Physicians Logo

Daryeelka Degdega ah

Hel daryeel degdeg ah, ballan la’aan la imaan karo oo loogu talagalay cudurada joogtada ah iyo dhaawacyada yaryar — ku habboon marka aad degdegsan tahay. Booqo mid kamid ah shanteena goob ee ugu wanaagsan ee xarumaha Daryeelka Degdega ah ee St. Elizabeth Physicians.

St. Elizabeth Healthcare Logo

Daawooyinka xaalada degdega ah

Hel daaweyn degdeg ah oo wax looga qabanaayo xaaladaha dhimashada keena, oo ay kujiraan cudurka qalalka, wadne qabadka ama dhaawacyada maskaxda gaara — iyo daryeelka 24/7 saac la helo ee loogu talagalay lafaha jajabay ama walaacyada caafimaadka kale ee aadka u daran.

St. Elizabeth Physicians Logo

Daryeelka daruuriga ah

Mudnaan sii caafimaadkaaga oo hel koox daryeelka caafimaadka qaabilsan kahor inta aysan xanuuno ku helin. Xarunta St. Elizabeth Physicians, dhakhaatiirta qoyskeena iyo dhakhaatiirta tababarka heerka sare ah kujira waxaa laga heli karaa xafiisyo gaaraya ilaa 30+ si ay qaab degdeg ah wax uga qabtaan walaaca caafimaadkaaga.

St. Elizabeth Healthcare Logo

Daryeelka Gaarka ah

Hel adeegyada daryeelka kansarka, wadnaha iyo cudurada ku dhaca wadnaha, daryeelka qalliinka bukaan jiifka iyo daaweynada kale ee khaaska ah ee laga helo lix goobood oo waawayn oo katirsan isbitaalka.

St. Elizabeth Healthcare Logo

Caafimaadka Dumarka

Hel adeegyo dhammeystiran oo ku saabsan caafimaadka haweenka iyo dhalmada — oo ay ku jiraan baaritaanada kansarka iyo taageerada dhalmada kahor iyo foosha/umulinta — iyo sidoo kale daryeel ka hortag oo si gaar ah loogu talagalay baahiyaha caafimaadka ee haweenka ee gaarka ah.

Bandhigyada Caafimaadka iyo Bandhigyada Bulshada

Waxaa naga go’an inaan dadka kula kulano meesha ay joogaan si aan uga caawino inay helaan daryeelka ay u baahan yihiin.

Ilaha Bukaanka

Bixi Kharashkayga

Ma qabtaa su’aalo ku saabsan kharashkaaga? Kooxdeena daryeelka macmiilka waxay halkaan u joogaan inay kaa caawiyaan bixinta iyo walaacyada kharashka la xariira. Wac (859) 344-5555.

SEH Information

Caawimaada Dhaqaale iyo Adeegyada Lagu daboolo Caymiska

Waxaa naga go’an inaan bixino daryeel la awoodi karo. Waxaan qayb ka nahay shabakado dhakhaatiir oo ku mideysan qorshe caymis waxaana bixinaa taageero ku aadan caawimaada dhaqaale.

Waxbarashada Bukaanka

Buug Gacmeedka Bukaanka waxaa loogu talagalay inaad kula socoto adeegyada isbitaalka laga bixiyo, siyaasadaha iyo sida wax looga qabto su’aalaha joogtada ah ee aad qabi karto inta aad isbitaalka joogto.

Maxaad ku Dooraneysaa St. Elizabeth?

St. Elizabeth Healthcare waa mid kamid ah isbitaalada caafimaadka ee ugu qadiimsan, ugu wayn waana mid kamid ah isbitaalada ay dadku ugu jecel yihiin ee ku yaala gobalada WaqooyigaKentucky, Koonfur-bari Indiana iyo Cincinnati weyn. Marka ay si wada jir ah u shaqeeyaan St. Elizabeth Physicians, dhakhaatiirta hoos yimaada ee takhasusyada badan iyo ururada dhakhaatiirta qaba tababarada heerka sare ah, waxaan horumar wayn ku sameynaynaa daryeelka caafimaadka ee bulshadeena.